17/08/2016
Samsung oo daaha ka
rogtay Galaxy S5, Muxuu
uga duwanyahay S4?
(Sawiro)
Waxaa magaalada Barcelona ee carriga Spain
maanta ka dhacay bandhig tiknoolajiyeed
sannadle ah oo ay isugu yimaadaan shirkadaha
caalamka ee sameeya Mobilada, waxayna
Shirkadda Samsung meesha uga dhawaaqday
nooca cusub ee taxanaha Mobiladeedii caanka
ah ee loo yaqaan gaalagsiyada (Galaxy S
Lines) (Sawirada Galaxy s5 hoos ka daawo)
Mobilekaan cusub ee ay maanta Samsung daaha
ka rogtay ayaa ah Galaxy S5, wuxuuna waxoogaa
uga baddalanyahay Mobile-ka Galaxy S4 ee
haatan suuqa yaal, sida xajmiga, camererada,
batariga, processorka iyo weliba garashada farta
(Fingerprint) oo uu leeyahay Mobileka cusub.
Maxaa ku cusub Galaxy S5
- Galaxy S5 waxaa la kordhiyey camerada danbe
oo cabbirkeedu yahay 16 megapixel taasoo
awood u leh xataa inay qaaddo 4K video
- Galaxy S5 wuxuu awood u leeyahay inuu u
adkaysto oo aysan gelin boorka, siigada biyaha
iyo sidoo kale xagtimaha dhalada waxyeeleeya.
- Waxaa la kordhiyey dhererka mobileka oo
haatan cabirkiisu yahay 5.1 inch. iyadoo sidoo
kalena lagu xiray batari ka weyn kan S4ka iyo
processor waxoogaa ka dhakhso badanba.
Galaxy S5 wuxuu ku yimid android 4.42 KK oo ah
ah nooca u danbeeyey, waxaana taleefonku
suuqa soo geli doonaa bartamaha bisha April ee
foodda inagu soo haysa haddii Alle idmo, iyadoo
ay bixin doonaan afarta Shirkadood ee ugu
waaweyn dalkaan Maraykanka, iyo in ka badan
150 shirkadood oo mobilada ka bixiya Adduunka.
Isku soo duuduuboo dad badan ayaa dhaliilsan
taleefoonka cusub ee ay daaha ka rogtay
Shirkadda Samsung maadaama ay Galaxy S5 iyo
S4 isku mid ka yihiin resolutionka screenka oo
weli ah 1080, memoryga oo isaguna ah 2 GB iyo
sidoo kale dahaarka loo yaqaan Touchwiz oo
aysan shirkaddu weli fudayd ka dhigin.
Sawirada hoos ka daawo
Bishar