Quraysh Graphic

Quraysh Graphic Designing All Kinds of Graphics Halkan Waa Goob Loogu shaqeeyo dhamaan Macmiil Kasta oo u baahan
adeeg sidaa Awgeed ha Moogan

Naqshadaha Casriga ah ee Dugsiyada iyo Hay'adaha WaxbarashadaπŸŽ“ Maamulayaasha dugsiyada, jaamacadaha, machadyada iyo dham...
14/07/2026

Naqshadaha Casriga ah ee Dugsiyada iyo Hay'adaha Waxbarashada

πŸŽ“ Maamulayaasha dugsiyada, jaamacadaha, machadyada iyo dhammaan hay'adaha waxbarashada.
Haddii aad u baahan tihiin naqshado tayo sare leh oo si xirfad leh u gudbiya farriintiinna, waxaad joogtaan meesha saxda ah.

Waxaan idiin diyaarinayaa naqshado casri ah oo soo jiidasho leh, kuwaas oo kor u qaadaya muuqaalka iyo sumcadda hay'addiinna.

Waxaan naqshadeeyaa:
πŸ“š Boorarka Dib-u-furista Dugsiyada (Back to School)
πŸ“ Ogeysiisyada Isdiiwaangelinta
πŸŽ“ Boorarka Qalin-jabinta
πŸ“’ Ogeysiisyada Imtixaannada
πŸ† Xayeysiisyada Tartamada iyo Munaasabadaha
πŸ“… Jadwalka Waxbarashada
πŸ’» Naqshadaha Baraha Bulshada (Facebook, Instagram iyo kuwo kale)
πŸ–¨οΈ Naqshado diyaar u ah Daabacaadda iyo Isticmaalka Dijitaalka ah

βœ… Naqshad Casri ah
βœ… Tayo Sare
βœ… Qiimo Macquul ah
βœ… Adeeg Degdeg ah
βœ… Naqshad ku habboon Aqoonsiga Hay'addiinna

πŸ“© Nala soo xidhiidh maanta si aan ugu diyaarino naqshad tayo leh oo dugsigiinna ama hay'addiinna kor u qaadda.

Qureysh Graphics
πŸ“ž +252 63 4885073
πŸ“ž +252 63 3242523

ADEEGA PROFILE PAGEFarxad ayeey inoo tahay inaanu Bixino adeegyo waliba aanu si xirfadeysan ugu sameynay summad iyo Nash...
11/07/2026

ADEEGA PROFILE PAGE

Farxad ayeey inoo tahay inaanu Bixino adeegyo waliba aanu si xirfadeysan ugu sameynay summad iyo Nashqado wanaagsan waxaanu Qabanay Mashaariic aad u badan Halkaan kaga bogo qaar kamid ah mashaariicyada aan horey usameynay: https://www.behance.net/maarigqurayzh

waxaan diyaar unahay inaan adigana kuugu sameyno si xirfadeysan summadaada macmiil kaliya nagala soo xariir What'sApp: https://wa.me/qr/IKF4LOYLCXNBP1

Waxaad Nagala Soo xidhiidh kartaa Numbers Hoose
063-4885073 || 063-3242524 || 0639175031
Pages : Mubarak Maxamed Axmed Quraysh Graphic

Fikradahaaga Ayanu u badalaynaa Mustaqbalkaga...

- DHAMMAADKA IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND  EE SANAD DUGSIYEEDKA 2025-2026 - Bismillaahi Raxmaani...
02/07/2026

- DHAMMAADKA IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND
EE SANAD DUGSIYEEDKA 2025-2026 -

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Waxaan salaan iyo bogaadin mug leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Golaha Wasiirrada, Golayaasha labada aqal Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, maamulka dugsiyada, macallimiinta, waalidiinta, ciidamada amniga, hawl-wadeennadii imtixaanka, iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee garab istaagtay Ardayda iyo howsha Imtixaan ka.

Alxamdulillaah, maanta waxaynu soo gunaanadnay lix maalmood oo ahaa dhismaha mustaqbalka dhalinyarada Somaliland. Lixdaas maalmood waxay xambaarsanaayeen ku dhawaad siddeed iyo toban saacadood oo dadaal, dulqaad, karti iyo rajo lagu muujinayey, kuwaas oo ay ardaydeennu ku muujiyeen masuuliyad iyo adkaysi ay ku higsanayaan mustaqbalkooda.

Mahad oo dhan waxaa iska leh Alle Subxaanahu Watacaalaa oo inagu galladaystay nabad, caafimaad iyo fursadda aynu ku dhamaystirnay imtixaankan. Sidoo kale, waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa dhammaan hawl-wadeennadii suurageliyey qabsoomidda imtixaanka, kuwaas oo si hufan, daacadnimo iyo waddaniyad leh uga shaqeeyey xaqiijinta himilada waxbarashada qaranka.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa arday kasta oo si geesinimo leh u dhamaystay imtixaankiisa. Guushu waxay ku timaaddaa dadaal, dulqaad iyo kalsooni. Waxaannu rajaynaynaa in natiijadu noqoto mid farxad gelisa ardayda wiilal iyo hablaba, waalidiinta, macallimiinta, maamulka dugsiyada, Wasaaradda Waxbarashada iyo guud ahaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn, waxaan Alle ka baryaynaa inuu dadaalka ardayda ka dhigo mid miro dhal ah, una waafajiyo natiijooyin wanaagsan oo noqda bilowga guulo waaweyn oo mustaqbalka ah. Alle ha barakeeyo ardaydeenna, ha dhowro dalkeenna, hana sii adkeeyo horumarka waxbarashada iyo Nabad galyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Mahadsanidiin Idilkiinba.

Alxamdulillaah. Maanta waxaynu joognaa maalintii 6-aad ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Illaahay...
02/07/2026

Alxamdulillaah. Maanta waxaynu joognaa maalintii 6-aad ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Illaahay mahaddiis, waxaad si samir iyo dadaal leh u soo gaadheen maanta. Waxaa inoo hadhay wax yar, waxaana rajaynaynaa in dhammaadkiisu idiin noqdo guul iyo farxad.

Ardayda qaaliga ah, ku kalsoonaada Alle, dadaalkiinnana sii wada. Ilaaliya waqtiga, daacadnimada iyo akhlaaqda wanaagsan. Alle ha idiin fududeeyo imtixaanka, ha idiin waafajiyo jawaabaha saxda ah, dadaalkiinnana ha ka dhigo mid miro dhal ah. Aamiin. πŸ€²πŸ’šπŸ€β€οΈ

DUCO , DARDAARA IYO DAMIIR MUUJIN LAJURA  ARDAYDA GUUD AHAA .Alxamdulillaah. Maanta waxaynu joognaa maalintii 5-aad ee I...
01/07/2026

DUCO , DARDAARA IYO DAMIIR MUUJIN LAJURA ARDAYDA GUUD AHAA .

Alxamdulillaah. Maanta waxaynu joognaa maalintii 5-aad ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.Waxaan Alle ka baryayaa inuu idiin fududeeyo imtixaanka, qalbiyadiinnana dejiyo, xifdigiinna iyo dadaalkiinnana idiin barakeeyo. Aamiin. πŸ€²πŸ’šπŸ€β€οΈ

Guushu waxay raacdaa qofka dadaala ee Alle talo saarta. Ha quusanina, hana ka daalina rajada wanaagsan.

Waxaan idiin rajaynayaa guul, caafimaad iyo mustaqbal ifaya. Alle ha idin guuleeyo, ha idiin fududeeyo imtixaanka, hana idinka dhigo kuwii dalkooda iyo dadkooda anfaca. Aamiin. 🌹

DUCO , DARDAARA IYO DAMIIR MUUJIN LAJURA  ARDAYDA GUUD AHAA .Alxamdulillaah. Maanta waxaynu joognaa maalintii 4-aad ee I...
30/06/2026

DUCO , DARDAARA IYO DAMIIR MUUJIN LAJURA ARDAYDA GUUD AHAA .

Alxamdulillaah. Maanta waxaynu joognaa maalintii 4-aad ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Illaahay mahaddiis, waxaad si nabad ah ku soo gaadheen maalintan, waxaana rajaynaynaa in maalmaha hadhayna idiinku dhammaadaan guul iyo farxad.

Alle ha idiin fududeeyo imtixaanka, ha idiin waafajiyo jawaabaha saxda ah, dadaalkiinnana ha ka dhigo mid miro dhal ah. Guul ayaan idiin rajaynayaa. Alle ha idin guuleeyo. Aamiin. πŸ€²πŸ’šπŸ€β€οΈ

Alxamdulillaah. Maanta waxaynu joognaa maalintii 3-aad ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Illaahay...
29/06/2026

Alxamdulillaah. Maanta waxaynu joognaa maalintii 3-aad ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Illaahay mahaddiis, waxaad soo gasheen laba maalmood . waxaana rajaynaynaa in maalmaha hadhayna ay idiinku dhammaadaan nabad, fudayd iyo guul. Waxaan idiinla garab taagannahay duco, iyo niyada aan idinkala Soo jeedno , idinkala warwarno .

Alle ha idiin fududeeyo imtixaanka, ha idiin waafajiyo jawaabaha saxda ah, dadaalkiinnana ha ka dhigo mid miro dhal ah. Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo sharaf, waxaana mar walba idinla garab taagannahay duco. Alle ha idin guuleeyo. Aamiin. πŸ€²πŸ’šπŸ€β€οΈ

Alxamdulillaah, si nabad iyo khayr leh ayay inoogu soo dhammaatay maalintii 1aad ee Imtixaanka Shahaadiga ah. Waxaan All...
28/06/2026

Alxamdulillaah, si nabad iyo khayr leh ayay inoogu soo dhammaatay maalintii 1aad ee Imtixaanka Shahaadiga ah. Waxaan Alle uga baryayaa Ardaydeena inuu maalmaha xiga uga dhigo kuwo ka sii fudud oo ka Farxada Badan tii shalay.

Maanta waxaan u hibaynaynaa dhammaan wiilasha iyo hablaha duco, dardaaran iyo dhiirrigelin. Isku kalsoonaada, Muujiya dadaalkiina siina laba jibaara, hana u oggolaanina walwal Iyo walaac inuu idinka hor istaago guusha.

Alle ha idiin fududeeyo imtixaanka, garabkiinnana alle ha galo, Alle SWT dadaalkiinniina haka yeelo miro dhal . Guul iyo sharaf ayaan idiin rajaynayaa dhammaantiin, Insha Allaah. DUCAAN IDINLA GARAB TAAGANAY DHALINYAR

πŸŽ“πŸ’šπŸ€β€οΈ Fariin Dhiirrigelin ah iyo Duco iyo Bogaadin oo ku Socota Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somali...
26/06/2026

πŸŽ“πŸ’šπŸ€β€οΈ Fariin Dhiirrigelin ah iyo Duco iyo Bogaadin oo ku Socota Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

Waxaan dhammaan ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo bilaabanaya Sabtida, 27 June 2026, u rajaynaynaa guul iyo barako.

πŸ“š Ku kalsoonaada dadaalkiinna, isdejiya, kana faa'iidaysta wixii aad soo barateen.

πŸ“–12 sano oo dulqaad ah, waxbarasho ah, adkeysi ah, dedaal iyo aqoon-raadis ah kadib waxaan idinkuugu hambalyeeyneynayaa soo idleynta Imtixaanka Shahaadiga GC-GA ee Fasalka 12aad iyo Fasalka 8aad

🀲 Waxaan Alle (SWT) idinka baryeynaa inuu maskax furan, xasuus wanaagsan, iyo fudayd idiinku deeqo, idinkuna waafajiyo natiijooyin aad ku faraxdaan.

🌟 Guul baan idiin rajaynaynaa. Alle ha idiin fududeeyo imtixaanka. Aamiin.



Address

Calaamada
Hargeisa
252

Telephone

+252633242523

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Quraysh Graphic posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Quraysh Graphic:

Shortcuts

Share