12/10/2024
π Waa maxay Software Development Life Cycle (SDLC)?
Software Development Life Cycle (SDLC) waxa uu tilmaamayaa marxaladaha muhiimka ah ee ku lug leh horumarinta barnaamijyada software-ka, laga bilaabo qorsheynta iyo qorista (code) ka ilaa dayactirka badeecadda ugu dambeysa. Waa hab u adeegta kooxaha horumarinta software-ka, si loo hubiyo in software-ka ay abuuraan uu yahay mid lagu kalsoonaan karo, waxtar leh, oo buuxinaya shuruudaha dhinacyada saamileyda ah. Markii la qaybiyo mashaariicda adag oo loo beddelo hawlo fudud, SDLC waxa ay yaraysaa khaladaadka waxa ayna dhimaysaa khatarta guul-darrada mashruuca.
Eeg 7-da Marxaladood ee SDLC si aad u fahanto wajiyada muhiimka ah:
1οΈβ£ Fikrado Abuurid & Dejinta Yoolalka (Brainstorming & Setting Goals)
2οΈβ£ Falanqaynta Shuruudaha & Horumarinta Qorshaha (Requirements Analysis & Plan Development)
3οΈβ£ Naqshadeynta & Dhismaha (Design & Architecture)
4οΈβ£ Qorista code ka & Hirgelinta (Coding & Implementation)
5οΈβ£ Tijaabinta & Xaqiijinta Tayada (Testing & Quality Assurance)
6οΈβ£ Faafinta (Deployment)
7οΈβ£ Dayactirka & Soo-jeedinta (Maintenance & Feedback)
Raacitaanka SDLC waxa ay kooxaha ka caawisaa inay soo saaraan software tayo sare leh oo buuxinaya baahiyaha macaamiisha. MABDA, waxa aan ku hagnaa xirfadlayaasha IT-ga mustaqbalka inay fahmaan habkan muhiimka ah si loo hubiyo inay dhisaan software baaxad leh, ammaan ah, oo guuleysta.
π Ma diyaar baad u tahay inaad barato SDLC? Nagu soo biir oo maanta bilaaw safarkaaga!
-ka -ga -ga -ga