07/08/2026
Alxamdulillaah, xalay waxaa si guul leh inoogu qabsoomay AI for Everyone Online Workshop oo ay soo qabanqaabisay Sominvo Academy.
Waxaan si weyn ugu mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaashii waqtigooda geliyay barashada Artificial Intelligence (AI), iyo mentor-keennii Abdinasir Abuukar Moh'ed, oo aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa nala wadaagay.
Workshop-ka waxaan ku barannay aasaaska AI, sida uu u shaqeeyo, iyo sida looga faa'iidaysan karo waxbarashada, shaqada, ganacsiga, iyo nolol maalmeedka.
Tani waxay ahayd tallaabo kale oo aan ku sii xoojinayno himiladeenna ah in aan bulshada Soomaaliyeed u fududeyno helitaanka aqoon iyo xirfado casri ah.
Mahadsanidiin dhammaan intii ka soo qayb gashay. Waxaan rajaynaynaa inaan idin kula kulanno workshops-ka iyo tababarro kale oo soo socda, Insha'Allah.