29/07/2025
Waa maxay Firewall?
Firewall waa qalab ama software lagu ilaaliyo shabakad (network) si looga hortago in xog aan la oggolayn soo gasho ama baxdo.
Si fudud:
Firewall-ku wuxuu u shaqeeyaa sida ilaaliye albaabka oo kale — wuxuu baarayaa dhammaan waxyaabaha galaya iyo baxaya shabakadda wuxuuna go’aansadaa waxa la oggol yahay iyo waxa la xannibayo.
Noocyada Firewall-ka:
1:Hardware Firewall – Qalab dibadda laga soo xirayo sida router.
2:Software Firewall – Barnaamij kombiyuutarka laga rakibo.
Tusaale:
•Haddii aad internetka isticmaalayso oo aad rabto in aad ka ilaaliso weerarada (hackers), firewall-ka ayaa kaa caawinaya in uu joojiyo isku dayadaasi.
Ujeedada ugu weyn:
•In laga hortago weerarada cyber-ka (cyber attacks)
•In la xakameeyo taraafikada shabakadda
•In la ilaaliyo xogta gudaha ah