09/07/2026
Bplus Academy waxay si weyn ugu faraxsan tahay inay qayb ka noqotay barnaamijkii qiimaha badnaa ee Building creer througthAI and Digital Skills ay soo qabanqaabisay Kaalib Tech.
Waxaan aaminsanahay in kulankani uu ahaa fursad muhiim ah oo dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku heleen aqoon, dhiirrigelin, iyo faham ku saabsan AI, xirfadaha dijitaalka ah, iyo fursadaha shaqo ee mustaqbalka.
Waxaan rajaynaynaa in ka qaybgalayaashu ay ka faa'iideen casharradii, wadaagistii khibradaha, iyo isku xidhkii xirfadeed ee lagu soo bandhigay madasha, isla markaana ay u noqon doonto tallaabo ay ku gaaraan horumar shaqsi iyo mid xirfadeed.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Kaalib Tech dadaalkooda iyo doorkooda muuqda ee ay ku horumarinayaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyagoo abuura barnaamijyo tayo leh oo kobciya aqoonta, hal-abuurka, iyo xirfadaha casriga ah.
Bplus Academy waxay mar walba diyaar u tahay inay taageerto hindisayaasha kor u qaadaya waxbarashada, tiknoolajiyadda, iyo horumarinta bulshada.
Mahadsanidiin Kaalib Tech, waxaana idiin rajaynaynaa guulo iyo barnaamijyo kale oo ka sii waaweyn mustaqbalka.