22/07/2026
Tababarka barashada Xirfadaha Dijitaalka iyo Garaad-gacmeedka (AI) ayaa maanta si rasmi ah uga billowday xarunta SIMAD University – Town Campus, iyadoo uu soo qaban-qaabiyay Machadka Somali Assistive Technology Institute (SATI)kaas oo socon doono muddo laba maalmood ah
Tababarkan ayaa ka-qeyb-galayaasha lagu bari doonaa xirfadaha aasaasiga ah ee dijitaalka, adeegsiga qalabka casriga ah, fahamka iyo ka faa’iidaysiga Garaad-gacmeedka (AI), iyo sida teknoolajiyadda casriga ah loogu adeegsan karo waxbarashada, shaqada iyo horumarinta xirfadaha qofka.
Maalintii koowaad ee tababarka ayaa diiradda lagu saaray casharrada aasaasiga ah (Theory), iyadoo ka qeybgalayaasha la baray fikradaha aasaasiga ah ee xirfadaha dijitaalka iyo Garaad-gacmeedka (AI), muhiimadda ay u leeyihiin dunida maanta, iyo sida loogu adeegsan karo waxbarashada, shaqada iyo xalinta caqabadaha nolol maalmeedka. Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay fursadaha ay teknoolajiyadda casriga ahi u abuuri karto bulshada, gaar ahaan dadka aragga la’, si ay u horumariyaan aqoontooda una kordhiyaan fursadahooda mustaqbalka.
Agaasime Ku-xigeenka Machadka SATI, Isra Axmed Geeddi, oo si rasmi ah u daah-furtay tababarka, ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay kobcinta xirfadaha dijitaalka iyo barashada Garaad-gacmeedka (AI), gaar ahaan xilligan oo dunidu si xawaare leh ugu socoto isbeddellada tiknoolajiyadda. Waxay tilmaantay in aqoonta dijitaalka ahi ay tahay furaha helitaanka fursado cusub oo waxbarasho, shaqo iyo horumarineed, isla markaana ay muhiim u tahay in bulshada, gaar ahaan dadka aragga la’, loo diyaariyo xirfadaha ay kaga qeyb qaadan karaan horumarka casriga ah.
Sidoo kale, Madaxa Tababarada iyo Cilmi-baarista ee SATI, Maxamed Nuur Cali, ayaa ka hadlay doorka ay tababarada noocan ah ku leeyihiin sare u qaadista aqoonta iyo awoodda bulshada, isaga oo xusay in SATI uu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa fursado waxbarasho oo la jaanqaadaya tiknoolajiyadda casriga ah. Waxa uu sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallada machadka ee lagu horumarinayo xirfadaha dijitaalka, kobcinta hal-abuurka iyo diyaarinta dhalinyaro awood u leh in ay ka faa’iideystaan fursadaha ay bixiso tiknoolajiyadda.
Casharrada tababarka waxaa hab fogaan-arag ah (online) u bixinayay Mudane Axmed Calasow, kuwaas oo ku saabsanaa Xirfadaha Dijitaalka (Digital Skills) iyo Garaad-gacmeedka (Artificial Intelligence - AI). Intii uu tababarku socday, waxa uu ka qeybgalayaasha la wadaagay aqoon, waayo-aragnimo iyo faham ku saabsan adeegsiga teknoolajiyadda casriga ah, awoodda iyo fursadaha uu Garaad-gacmeedku leeyahay, iyo sida xirfadahan loogu adeegsan karo horumarinta aqoonta, shaqada iyo dhisidda mustaqbal ku saleysan tiknoolajiyad iyo hal-abuur.
Hayaanka Sati ee ku aadan aqoon wadaagga waxa uu daaran yahay in tiknoolajiyada laga dhigo mid fudud, la heli karo isla markaana loo wada simman yahay bedelkii ay ka ahaan laheyd mid adag, xadidan isla markaana caqabad ku noqota horumarka iyo waxbarashada…
SATI – Tiknoolajiyad Aan Xuduud Lahayn
: Kaabaha Tiknoolajiyadda Bulshada Aragga La’ ee Soomaaliyeed…