09/09/2026
Waxaa laga yaabaa in maalin uu jiro qof kor u qaada gacmihiisa oo magacaaga ku xusa ducadiisa, adiguna aadan waligaa ogaan.
Ma aha inaad maal ku caawisay, ama aad noloshiisa badbaadisay.
Balse waa sababta oo ah maalin aad u ahayd qof naxariis leh, xilli ay dadka intiisa badan ad-adkaayeen. Waxaa laga yaabaa inay ahayd eray wanaagsan oo aad ku tiri, gacan aad u fidisay, ama qalbi murugaysan oo aad dejisay.
Waxyaabahaas adiga kula muuqday kuwo yaryar, qof kale waxay u noqdeen iftiin, rajo iyo badbaado.
Sidaas darteed, ha yareysan wanaaggaaga. Dhoolla-caddayn, hadal wanaagsan iyo akhlaaq qurux badan waxay mararka qaar beddeli karaan nolosha qof dhan.
Waxaa jira dad cimrigooda oo dhan noolaanaya iyagoo aan ka tegin raad wanaagsan, halka kuwo kalena ay qalbiyada dadka ku reebaan xusuus qurux badan iyo duco aan joogsan.
Noqo qof marka la xuso, lagu xuso duco; marka la xasuusto, lagu xasuusto wanaag. Waayo, saamaynta ugu qiimaha badan waa tan qalbiyada ku hadha, ajarkeeduna Alle agtiisa ku kaydsan yahay.
towfiiq