23/07/2026
Dawlad aan tallaabo idinka qaadi karin, siyaasi aan aqoon fiican lahayn, iyo xisaabtan la'aanta ayaad bulshada ku aragteen, wax kasta oo aanu ka bariisan lahayn idinkaa nagu qabsanaya. Dadka waxaan ugu baaqayaa inay baraarugaan iskana dulqaadaan dulmiga madaxya weynta ee ka macaashaysa.
Aan dul istaago barnaamijkan ay dhalinyarada Software Developers-ka ah kula dagaallamayaan in dakhli sameeyaan, inkasta oo uu yahay mid tayo ahaan liita oo ay u badan tahay in source code-ka ay iibsadeen ka dibna ay customise gareeyeen (kii h**e ee schools ka ay ka iibin jireen, kan ma arage), dhawr jeerna cillado badan ay kala kulmeen dadkii/dugsiyadii isticmaalayay.
Aan faahfaahiyo siduu ku noqonayo mid ay ugu awood sheeganayaan dhalinyarada hal-abuurka leh, oo aan ku fahamsiiyo: Haddii bakhaarka jumladlaha ahi uu isla tafaariiq ku dhex iibiyo bakhaarkiisa, saw ganacsatada yaryar caqabad ku noqon maayo? Hadaba habkani waa sidaas oo kale. Shirkadaha ama ganacsatada yaryar ee soo koraya marka SMS Gateway-gii laga kireeyo, waliba qiimo ayna bixin karin, ZAAD API-na transaction kasta lacag lagu dhufto oo lagaa rabo, waliba waxa intaas dheer marka aad Application Program Interface (API) aad rabto lacag diwaan-gelin ah oo 150 Doollar ah ayaa lagaa rabbaa. Hadda la soco, API-ga marka lagu siinayo waa sida adoo adeeggii ZAAD-ka oo kale laguu furayo, balse marka ZAAD lagu furayo wax lacag ah ma jirto maxaa yeelay hantidaada ayaa gacantooda usoo galaysa, laakiin haddii aad meherad/ganacsi online ah aad rabto waxa lagu leeyahay bixi lacag oo waa diwaan-gelin 150 Doollar ah. Anigu halkaas waxaan u fahmay in dadka laga hor-istaagayo in ay fahmaan faa'iidada ganacsiga ku dhisan online-ka/digital-ka ah. Hadaba waxaas oo dhan si free (bilaash) ah ayay uga dhigayaan marka ay barnaamujkan School Management System-ka ka iibinayaan dugsiyada, halka ganacsatada yaryar ee Software Solutions-ka ah ay iyagii caqabad ku yihiin oo ay uguna yimaadeen meelihi ay ahayd in shirkadaha waawayni soo galin micnaha maba jirto wax ganacsiga kala xadaynaya. Kolba haddii shirkadii dhamayd ee dalka ugu weynayd waxba reebi weyday, ha soo wada baxdo oo malaha developers fiican ayaa ka dhiman e ha samayso barnaamujyada kale ee ayna wali soo saarin, sida software-ka maqaayadaha, jaamacadaha, carwooyinka, iyo huteellada, iwm.
Waxaan soo jeedinayaa maadaama ay halis amni jirto iyo damaanad-qaad dhab ah oo dhanka xogta ah dalka ka jirin, waayo xog kasta oo dalka ah dawladda gacanteeda ku ma jirto, waxaana iska maamusha shirkadahaas waaweyn, waa in wax la badelaa oo dawladnimadu haddii ay tahay mid dhab ah, riwaayaddan ha ka baxdo oo wixii telecommunications ah gacanteeda ha ku jiraan, hana qaaddo tallaabooyinkan:
1. Ha samayso oo ha ku dadaasho country code cusub, ha ka guurto kan koonfurta ee +252-ga ah.
2. Ha samaysato shirkad u gaar ah (ISP) oo adeegyada aasaasiga ah gacanta ku haysa, sida internet-ka, adeegyada maaliyadeed, iyo kuwa kale.
3. Ha samaysato ciidanka amniga teknoolajiyadda ee Computer Emergency Response Team (CERT).
W/Q Abdirahman Hussein Ali Araye.