IL Barako Market Group

IL Barako Market Group بسم الله أبدأ، وبه أستعين.
Alle ha nagu kaalmeeyo . Noona hirgaliyo
IL Barako Group Shirkad E-Commerce ah oo Ka shaqaysa Somaliland, 063-9991999.

Welcome
07/11/2026

Welcome

31/10/2026

I had the pleasure of attending Hargeisa Networking Night, an excellent platform for connecting with entrepreneurs, business leaders, and inspiring professionals.
It was a valuable opportunity to build meaningful relationships, exchange ideas, share experiences, and explore new opportunities for collaboration and growth.
Remember: Your Network Is Your Net Worth!

The process involves defining the long-term vision, establishing achievable objectives, identifying the necessary resour...
15/10/2026

The process involves defining the long-term vision, establishing achievable objectives, identifying the necessary resources, creating an actionable plan, implementing strategies, and continuously monitoring progress to ensure sustainable growth and success.

We are proud to have our CEO Ilyaas Muhumed IL Barako  as a distinguished guest and participant at Hargeisa Networking N...
07/10/2026

We are proud to have our CEO Ilyaas Muhumed IL Barako as a distinguished guest and participant at Hargeisa Networking Night, where entrepreneurs, business leaders, professionals, and community elites come together to connect, share experiences, exchange ideas, and build meaningful networks.
We look forward to valuable conversations, new opportunities, and stronger connections.

BIOGRAPHY 2020–2026Taariikhda Shaqo, Ganacsi, Isbeddel iyo Kobaca Ilyaas Muhumed Mohamed (Ilyaas IL Barako)HordhacIlyaas...
02/10/2026

BIOGRAPHY 2020–2026

Taariikhda Shaqo, Ganacsi, Isbeddel iyo Kobaca Ilyaas Muhumed Mohamed (Ilyaas IL Barako)

Hordhac

Ilyaas Muhumed Mohamed (Ilyaas IL Barako) waa ganacsade, hal-abuur ganacsi, xirfadle iyo entrepreneur ka soo bilaabay safarkiisa shaqo iyo ganacsi sannadkii 2020, kaddib markii uu ka qalin-jabiyey Jaamacadda Hargeisa, isagoo haysta shahaadada heerka koowaad ee Bachelor of Business Administration (BBA).

Safarkiisa lixda sano ah ee u dhexeeya 2020–2026 wuxuu ku salaysnaa aragti fog, qorshe istaraatiiji ah, is-qiimayn, dulqaad, masuuliyad, waxbarasho joogto ah iyo diyaar u ahaanshaha in caqabadaha loo beddelo fursado.

Maanta, safarkaas wuxuu ka soo gudbay bilow yar oo ganacsi, shaqo-raadin iyo caqabado badan, ilaa heer uu noqday aasaasaha iyo hoggaamiyaha saddex ganacsi oo kala duwan, isla markaana dhistay shabakad xirfadeed oo ballaaran oo LinkedIn ah.

---

2020 – Bilowgii Safarka

Sannadkii 2020, waxaan ka qalin-jabiyey Jaamacadda Hargeisa, Kuliyadda Business Administration, anigoo qaatay shahaadada BBA.

Markii aan jaamacadda ka baxay, ma aanan helin fursaddii shaqo ee aan filayey. Laakiin halkii aan ku niyad-jabi lahaa ama aan muddo dheer shaqo sugi lahaa, waxaan go’aansaday inaan naftayda qiimeeyo oo aan fahmo halka aan joogo, halka aan doonayo inaan gaadho iyo waddada aan ku gaadhi karo.

Waxaan naftayda ku sameeyey Self-Assessment, waxaana is weydiiyey:

- Maxaan ku wanaagsanahay?
- Maxay yihiin meelaha aan u baahanahay inaan horumariyo?
- Fursado noocee ah ayaa ii furan?
- Caqabado noocee ah ayaa iga hor iman kara?
- Sideen awooddayda ugu beddeli karaa fursado?
- Halkee ayaan rabaa inaan gaadho shan ama lix sano kadib?

Si aan su’aalahan uga jawaabo, waxaan naftayda ku sameeyey SWOT Analysis — waxaan qiimeeyey Strengths, Weaknesses, Opportunities iyo Threats.

Tani waxay ii noqotay bilowgii waxa aan ugu yeedhay:

“My Strategy Foundation”

Waxaan fahmay in qofku u baahan yahay inuu marka h**e naftiisa fahmo ka hor inta aanu qorshe weyn u samayn mustaqbalkiisa.

---

Vision – Aragti Fog

Waxaan naftayda u dejiyey Vision cad:

Halkee ayaan rabaa inaan gaadho? Maxaan rabaa inaan mustaqbalka noqdo? Maxay tahay raad aan doonayo inaan bulshada uga tago?

Waxaan fahmay in Vision-ku aanu ahayn oo keliya meel aad rabto inaad gaadho, balse uu yahay sawirka mustaqbalka aad rabto inaad dhisto.

---

Mission – Sida aan ku gaadhayo Vision-kayga

Kaddib waxaan dejiyey Mission:

Sideen ku gaadhayaa meesha aan doonayo?

Waxaan go’aansaday inaanan ku ekaan fikir iyo qorshe oo keliya, balse aan qaato tallaabooyin dhab ah, xitaa haddii bilowgu yar yahay.

Waxaan qaatay go’aan ah:

“Take Responsibility, Take Action and Stay Focused on the Goal.”

Waxaan naftayda saaray Self-Responsibility — masuuliyadda nolosheyda, go’aannadayda iyo mustaqbalkeyga.

---

Family Responsibility – Masuuliyadda Qoyska

Waxaan sidoo kale fahmay in guusha qofku aysan ku koobnayn isaga oo keliya.

Qoyskaygu wuxuu door weyn ka qaatay in aan gaadho heerka jaamacadda. Sidaas darteed, waxaan naftayda saaray Family Return Responsibility — inaan mustaqbalka garab istaago qoyskayga, kana qayb qaato horumarkooda, maadaama ay iyaguna dadaal badan ii galeen.

Waxaan aaminsanaa in waxbarashadu aysan ahayn oo keliya shahaado aad hesho, balse ay tahay masuuliyad aad qaaddo.

---

Social Return Responsibility – Masuuliyadda Bulshada

Waxaa kale oo aan dejiyey Social Return Responsibility.

Waxaan is weydiiyey:

“Maxaan bulshada ugu celin karaa wixii aan bartay iyo fursadaha aan helo?”

Waxaan go’aansaday in ganacsiyada iyo mashaariicda aan mustaqbalka bilaabi doono aysan noqon kuwo faa'iido dhaqaale oo keliya raadiya, balse ay sidoo kale abuuraan fursado, xalliyaan dhibaatooyin, shaqo abuuraan, isla markaana bulshada wax u taraaan.

---

Bilowgii Ganacsiga – 2020

Anigoo Alle talo saartay, waxaan bilaabay safarkaygii ugu horreeyey ee ganacsi.

Waxaan bilaabay ganacsi yar oo lagu iibiyo accessories iyo alaabooyin kala duwan.

Bilowgu wuxuu ahaa mid yar, oo Caqabado badan leh dadku ay kula yaabayaan marka oo jamacad dhameyey alaabo yar yar hadana iibinaya laakiin waxaan ka bartay casharro waaweyn oo ku saabsan:

- Ganacsiga
- Iibka iyo suuq-geynta
- Macaamiisha
- Maaraynta alaabaha
- Xiriirka bulshada
- Dulqaadka
- Masuuliyadda
- Sida fikrad loogu beddelo ficil

Bilowgaas waxaa ila shaqaynayey saddex qof oo Yemeni ah, kuwaas oo ka qayb qaadanayey wareejinta iyo iibinta alaabaha suuqa Hargeisa.

---

Markii Caqabaddu Is Beddeshay

Muddo kaddib, saddexdii qof waxay ka tageen shaqadii, waxayna bilaabeen ganacsi iyaga u gaar ah.

Halkaas waxaan ka bartay cashar muhiim ah:

Ganacsigu mar walba ma aha xaalad joogto ah; qofka ganacsadaha ahi waa inuu awood u leeyahay inuu la qabsado isbeddelka.

Waxaan go'aansaday inaan qaabkii h**e ee ganacsiga wax ka beddelo, una wareego dhinaca E-commerce iyo Digital Business.

Tani waxay ahayd mid ka mid ah go’aannadii muhiimka ahaa ee safarkayga.

---

Shaqo Raadinta iyo Caqabadihii CV-ga

Intii aan ganacsiga waday, dhinac kale waxaan aad u xiisaynayey inaan helo shaqo rasmi ah, gaar ahaan hay’adaha local iyo international NGOs.

Waxaan bilaabay inaan CV-yada geeyo hay’adaha kala duwan.

Marar badan, markii aan CV-geyga geeyo, waxaa la ii sheegay in aan CV-ga adag lagu qaadanayn, waxaana la igu tilmaamay inaan ka soo codsado fursadaha shaqo ee ka jira Somali Jobs, Qaran Jobs iyo platforms kale.

Waxaan noqday qof subaxdii CV-yo raadiya oo geeya hay'adaha, galabtiina suuqa u baxa oo iibinaya alaabaha yar-yar ee ganacsiga.

Mararka qaar waxaan shaqaynayey Door-to-Door, anigoo isku dayaya inaan isku dheellitiro shaqo-raadin iyo ganacsi.

Waxay ahayd marxalad adag, laakiin waxay ii noqotay mid ka mid ah casharradii ugu muhiimsanaa ee noloshayda.

---

LinkedIn – Isbeddelkii Safarkayga

Markii aan muddo ku daalay in aan CV-yada geeyo meelo kala duwan, waxaan go’aansaday inaan dhiso Personal Brand iyo Professional Network.

Waxaan si dhab ah u bilaabay isticmaalka LinkedIn.

Waxaan halkaas ku bilaabay inaan ku xiro xirfadlayaal, ganacsato, hay’ado, shaqo-bixiyeyaal iyo shaqo-doonayaal.

LinkedIn wuxuu ii noqday wax ka badan Social Media.

Wuxuu ii noqday:

Network + Personal Brand + Business Platform + Opportunity Platform.

Waxaan halkaas ka helay xiriirro cusub, fursado, aqoon, ganacsi iyo Business Ideas.

Waxaan sidoo kale ka qayb galay Business Idea Competitions, waxaana fursado badan ii fududeeyey network-gii aan ku dhistay platform-kaas.

---

25,000+ LinkedIn Followers

Sanadihii xigay, waxaan si joogto ah u dhisay personal brand-kayga iyo network-gayga.

Maanta, waxaan LinkedIn ku leeyahay in ka badan 25,000 followers, taas oo ii noqotay mid ka mid ah hantida ugu muhiimsan ee aan ku dhisay safarkayga xirfadeed iyo ganacsi.

Waxaan LinkedIn u isticmaalaa inaan ku wadaago:

- Fursadaha shaqo
- Vacancies
- Contracts
- Tenders/Bids
- Business Opportunities
- Information
- Networking
- Entrepreneurship
- Professional Development

Waxa ii ah guul gaar ah in ururradii iyo hay’adihii aan sannadihii h**e CV-yada u qori jiray anigoo shaqo raadinaya, maanta aan si dhow isu naqaan, qaarna ay noqdeen clients iyo partners, iyadoo aan u adeegno inaan bulshada la wadaagno fursadaha shaqo iyo ganacsi ee ay bixiyaan.

Taasi waxay ii tahay tusaale muujinaya sida xiriir wanaagsan, dulqaad iyo joogteyn ay qofka uga beddeli karaan meel uu fursad ka raadinayey meel uu fursad ka abuuro.

---

IL Barako Market – E-commerce IL Barako Market Group

Safarkayga ganacsi wuxuu sidoo kale horseeday horumarinta IL Barako Market Group.

IL Barako Market wuxuu xoogga saaraa ganacsiga iyo iibinta alaabaha, iyadoo laga faa’iidaysanayo awoodda Digital Marketing iyo Social Media.

Waxa naga mid ah meelaha aan ku xoogganahay LinkedIn, halkaas oo aan isku daynay inaan isku keeno laba arrimood:

Shaqooyin la xayeysiiyo + Alaabooyin la iibiyo.

IL Barako Market wuxuu leeyahay joogitaan LinkedIn ah, waxaana u aragnaa taas inay tahay mid ka mid ah waxyaabaha naga soocaya ganacsiyo badan oo suuqa ka jira.

Safarkaygu kuma ekaan IL Barako Market.

Waxaan sidoo kale aasaasay oo aan ka shaqeeyaa:

Zeez Jobs and Consulting

Mashruucan wuxuu diiradda saaraa fursadaha shaqo, shaqo-doonka, xiriirinta shaqo-bixiyeyaasha iyo xirfadlayaasha, iyo adeegyada la xidhiidha shaqada iyo consulting-ka.

Waxaan sidoo kale ka shaqaynaa in fursadaha shaqo laga soo ururiyo meelo kala duwan oo loo gudbiyo bulshada.

Shaqadeennu kuma koobna Soomaaliya oo keliya; waxaan sidoo kale la soconnaa fursadaha ka jira gobolka, oo ay ka mid yihiin:

Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

Waxaan la macaamilnaa labada dhinacba:

Employer + Job Seeker.

Shaqo-bixiyeyaasha waxay nala soo xiriiraan marka ay doonayaan inay helaan dad ku habboon fursadaha ay hayaan, halka shaqo-doonayaashuna ay naga helaan macluumaad ku saabsan fursadaha jira.

---

Green Tech Solar Firm

Ganacsiga saddexaad ee aan aasaasay waa:

Green Tech Solar Firm

Mashruucan wuxuu ku saabsan yahay xalalka tamarta qorraxda iyo adeegyada la xidhiidha Solar Energy.

Waxaan aaminsanahay in ganacsiyada mustaqbalka ay tahay inay isku daraan business, innovation iyo xalinta dhibaatooyinka bulshada.

---

2026 – MBA in Project Management

Lix sano oo shaqo, ganacsi, caqabado, barasho iyo koboc ah kaddib, sannadkii 2026 waxaan gaadhay marxalad kale oo muhiim ah.

1 October 2026, waxaan ka qalin-jabiyey Lincoln University, oo xidhiidh la leh Alpha University, anigoo dhammeeyey waxbarashada heerka labaad:

Master of Business Administration (MBA) in Project Management (PM).

MBA-gu wuxuu ii noqday tallaabo kale oo aan ku xoojinayo aqoontayda maamulka, hoggaaminta, ganacsiga iyo maaraynta mashaariicda.

Waxaan isku daray:

Education + Experience + Entrepreneurship + Networking.

---

2020–2026: Lix Sano oo Isbeddel ah

Markaan dib u eego sannadkii 2020 iyo halka aan maanta joogo 2026, waxaan arkaa safar ka kooban:

Challenges – Lessons – Decisions – Failure – Learning – Growth – Transformation.

Waxaan ka bilaabay shaqo-raadin iyo ganacsi yar.

Waxaan maray marxalad aan CV-yada u qaadi jiray hay'adaha.

Waxaan isku dayay ganacsi yar oo suuqa ah.

Waxaan u wareegay E-commerce.

Waxaan dhisay Personal Brand.

Waxaan dhisay Professional Network.

Waxaan ka faa’iidaystay LinkedIn.

Waxaan aasaasay ganacsiyo.

Waxaan dhisay kooxo shaqeeya.

Waxaan gaadhay in ka badan 25,000 followers LinkedIn.

Waxaan helay fursado ganacsi iyo networking.

Ugu dambayn, waxaan ku daray waxbarasho heerka labaad ah oo ah MBA in Project Management.

---

Casharka Ugu Weyn

Safarkaygu wuxuu i baray in:

“Fursaddu mar walba ma timaaddo iyadoo diyaar kuu ah; mararka qaar waa inaad adigu abuurtaa.”

Waxaan bartay in shaqo la’aantu aysan macnaheedu ahayn dhammaadka safarka.

Ganacsi yar uusan ahayn wax yar haddii uu leeyahay Vision.

CV badan oo lagaa soo celiyo aysan ahayn sabab aad ku joojiso dadaalka.

Caqabad kastana ay noqon karto cashar kuu diyaariya fursadda xigta.

Waxaan sidoo kale bartay in Personal Branding iyo Networking ay maanta qayb muhiim ah ka yihiin horumarka xirfadeed.

---

Fariin ku socota Dhallinyarada

Ugu dambayn, waxaan fariin gaar ah u dirayaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ha sugin fursad keliya inay kuu timaaddo.

Naftaada qiimee.

Ogow waxa aad ku wanaagsan tahay.

Ogow meelaha aad u baahan tahay inaad horumariso.

Samee SWOT Analysis.

Samee Vision.

Samee Mission.

Qorshee mustaqbalkaaga.

Qaado Responsibility.

Bilow, xitaa haddii bilowgu yar yahay.

Waxbarashada sii wad.

Xirfadahaaga horumari.

Network dhiso.

Personal Brand samee.

Ha ka baqin inaad beddesho Strategy-gaaga marka xaaladdu is beddesho.

Wax kasta oo aad bilowdo, Alle talo saar, dadaal, dulqaad yeelo, hana ka quusan hadafkaaga.

---

Follow the Journey

Waxaan ku dhiirrigelinayaa dhallinyarada iyo dhammaan dadka xiisaynaya Entrepreneurship, Jobs, Business, Career Development iyo Professional Growth inay nagala socdaan platforms-ka kala duwan ee Social Media:

LinkedIn | Facebook | TikTok | Instagram

Waxaan rajaynayaa inaan wadaagno aqoon, fursado, shaqooyin, ganacsi iyo waayo-aragnimo si aynu dhammaanteen uga wada faa’iidaysanno.

Haddii qoraalkan uu ku dhiirrigeliyo qof kale, la wadaag (Share) si uu u gaadho dhallinyaro badan oo u baahan dhiirrigelin iyo tusaale dhab ah.

2020–2026

Six Years of Transformation, Challenges, Lessons Learned, Growth and Entrepreneurship.

Ilyaas Muhumed Mohamed

Ilyaas IL Barako

Entrepreneur | Businessman | Founder | MBA in Project Management

01/10/2026
Hambalyo QalinjebinDhammaan Maamulka iyo shaqaalaha shirkadda   Barako Group waxay hambalyo u dirayaan Maareeyaha Guud e...
28/09/2026

Hambalyo Qalinjebin

Dhammaan Maamulka iyo shaqaalaha shirkadda Barako Group waxay hambalyo u dirayaan Maareeyaha Guud ee IL Barako Group Ilyaas Muhumed IL Barako I Shirkadda oo ka qalinjebiyey Jaamacada Lincoln University ee xidhiidhka leeyihiin Alpha University heerka labaad ee waxbarashada gaar ahaan kulliyadda Barashada Cilmiga Ganacsiga (MBA) qaybta maamulka mashaariicda PM: Project Management].Waxaana ugu ducaynaynaa in Alle Cilmi anfaca uga dhigo. Aamiin

Barako Group

Congratulation ,  Sir, Ilyaas Muhumed IL Barako on the successful defence of your thesis! Wishing you continued success ...
27/09/2026

Congratulation , Sir, Ilyaas Muhumed IL Barako on the successful defence of your thesis! Wishing you continued success and excellence in your academic and professional journey.

“Starting your own venture is one of the most reliable investments in your future—build with vision, learn with purpose,...
20/09/2026

“Starting your own venture is one of the most reliable investments in your future—build with vision, learn with purpose, and grow with consistency.”

IMPORTANT ANNOUNCEMENTFrom Our CEO, Ilyaas Muhumed Mohamed AbaqaalWe are pleased to announce that our company is resumin...
15/09/2026

IMPORTANT ANNOUNCEMENT
From Our CEO, Ilyaas Muhumed Mohamed Abaqaal
We are pleased to announce that our company is resuming its operations after a short pause due to ongoing circumstances.
We would like to inform our valued customers that our services are now available again, and our products are ready to serve you.
We sincerely appreciate your patience, understanding, and continued support. We look forward to serving you again with the same commitment and quality.
Thank you for your continued trust and support...

Address

Upper Hill

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when IL Barako Market Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category

Nearby computer & electronics services