16/11/2025
๐จ ๐๐ฎ๐น-๐ฎ๐ฏ๐๐๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ณ๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ
Marka aad doonayso inaad bilowdo Design, mashruuc, ama wax-qabad hal-abuur leh, suโaasha ugu badan ee soo baxda waa:
โMa hal-abuurka ayaa muhiim ah mise farsamada?โ
Jawaabta saxda ah waa: Labaduba waa muhiim, laakiin waxaa jira mid aad u muhiim ah inaad hormariso markaad bilaabeyso โ waana hal-abuurka.
๐ง ๐ญ. ๐๐ฎ๐น-๐ฎ๐ฏ๐๐๐ฟ๐ธ๐ฎ โ ๐ ๐ฒ๐ฒ๐๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐
๐๐ฎ๐น๐ฏ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐ฏ๐ถ๐น๐ผ๐๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ป
Hal-abuurku waa awoodda aad u leedahay inaad ka fikirto wax cusub, xal cusub, ama farriin cad oo dadka gaareysa. Waa halka ay ku dhalato fikradda aad rabto inaad u beddesho design muuqda.
Hal-abuurka ayaa kuu sheega:
- Maxaad dooneysaa inaad sameyso?
- Maxay tahay sababta aad u sameyneyso?
- Sidee bay dadku u fahmi doonaan?
- Waa maxay farriinta ama dareenka aad rabto in ay qaataan?
Haddii fikradda aysan caddeyn, farsamadu wax badan kuu qaban mayso.
๐ ๏ธ ๐ฎ. ๐๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ โ ๐ค๐ฎ๐น๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐บ๐๐๐ท๐ถ๐๐ผ ๐ณ๐ถ๐ธ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ
Markaad leedahay fikrad xooggan, farsamadu waxay noqotaa qalab kaa caawinaya inaad si sax ah u soo bandhigto.
Farsamada waxaa ka mid ah:
- Barashada software-yada (Photoshop, Illustrator, iwm)
- Fahamka midabada, qaab-dhismeedka, iyo typography-ga
- Isticmaalka Tools-ka si xirfad leh
Farsamada waxay kuu ogolaaneysaa inaad si sharaf leh u muujiso waxa maskaxdu aad ku heyso.
๐ฏ ๐ฏ. ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ฏ๐ถ๐น๐ผ๐๐ฑ๐ผ, ๐บ๐ฎ๐
๐ฎ๐ฎ ๐ต๐ผ๐ฟ๐บ๐๐๐ฑ ๐ฎ๐ต?
Hal-abuurka marka h**e โ marka xigtana waa farsamada.
Sababtoo ah:
Fikradda wanaagsan ayaa ka muhiimsan naqshad muuqaal ahaan qurux badan oo aan macne lahayn.
Farsamada waxaad baran kartaa maalin kasta, laakiin hal-abuurka wuxuu u baahan yahay in la tababaro maskaxda, la fahmo farriinta, lana ogaado waxa aad rabto inaad u sheegto dadka.
Designer kasta oo guuleystay wuxuu leeyahay fikir/Hal-abuur cad ka hor inta uusan xirfaddiisa farsamo isticmaalin.
๐ Hal-abuurka iyo farsamadu waa labo shay oo isku dhafan, laakiin hal-abuurka ayaa ah meesha mashruuc walba ka bilaabmo.
Markaad hesho fikrad cad oo qoto dheer, farsamadu waxay u noqoneysaa ๐ฒ๐ป๐ด๐ถ๐ป๐ฒ kaa caawiya inaad u beddesho naqshad saamayn leh.
Ka bilow maskaxda โ kadibna farsamada.