15/02/2017
Iyo
Technologyadu, waa mid aan qoob wadaag kula nahay qaar ka mid qaaradaha horumaray, isticmaalka aalada internetku, waxa ay saameyn Taba iyo mid Toganba ku leedahay xaaladaha dhaqan dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed.
Marka laga eego, dhanka samaha waxay kaalin muuqata ku leedahay horumarka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Xilli ay sii kordhayso baahida loo qabo adeegsiga Internetka ayaa Sanadihii danbe, Soomaaliya waxa ka howl bilaabay shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka si ay u daboolaan Baahida Internet ee ay qabaan macaamiisha ay u adeegayaan.
Horumarka dunida ay ka sameynayso xagga Technologyada marka lala jaan qaado waxaa la, oran karaa Internetku, waa adeeg aan sinaba looga maarmin habsami u socodka howlaha ganacsiga sida Iibka, suuqgeynta, dalabka iyo daabulka badeecadaha .
Fiqi Mahad oo ah ganacsade Muqdisho ku iibiya agabka electroniga ayaa sheegaya in internet iyo ganacsiga ay isku xiran yihiin isla markaana uu aad u fududeeeyo xirrirka ganacsadaha iyo macaamiilka.
‘’ Runtii internetku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha adduunka aad iyo aad looga isticmaalo, internet la’aantiis uma maleynayo inuu xariir ganacsi jiri karo, faa’iido ganacsi oo weyn ayuu inoo leeyahay, waxaan aad u isticmaalaa adeega la yiraahdo whatsapp oo markii aan dalab rabo aan ku dirsano, inta badan dibadda ayay nooga timaadaa badeecadaha sida Dubai iyo China, Internet la’aantiisna lama shaqeyn karo Maxaa yeelay muunada ama sample ka alaabta aan u baahanahay ayaan ku dirsannaa” ayuu yiri Fiqi Mahad.
Eng Maxamed Irbada oo ah xeel dheere Cilmiga technologiyada ah ayaa iiga waramay ahmiyada Technologyadu ay u leedahay bulshada waxa uu sheegay in Technolgiyada casriga ah ay faa’iidooyin badan u leedahay ganacsiga, nolosha iyo bini aadamka qarnigan jooga.
Waxa uu intaasi ku daray in Technologyadu ay noqtay manta isha ugu balaaran ee dhaqaale laga sameyn karo isagoo tusaalooyin u soo qaatay shakhsiyaad si sahlan uga sameeyay Faa’iido balaayiin doolar ah.
Dhanka kale, Internetka dadka qaar waxay u isticmaalaan in ay ku horumariyaan ganacsigooda halka kuwa kale ay si kale uga faa’iideystaan sida in ay kula xariiraan bulshada ama ay ku maaweeliyaan naftooda .
Cabdiraxman Maxamed waxa uu ka mid yahay dhalinta isticmaasha internetka waxa aan waydiinay sababta uu u isticmaalo.
“Aniga internetka waxan u isticmaalaa siyaabo kala duwan sida in aan kula xiriiro eheladeyda iyo dadka aan asxaabta nahay waxan sidoo kale u isticmaala in aan ka raaadiyo Layliyada jaamacadda la iiga soo diro, xaqiiqdii isticmaalka internetka waxa ay iiga dhigantahay wax wayn maxaa yeelay waxan kala socdaa dhacdooyinka dunida anigoo inta badan isticmaala wana isku mashquuliyaa”ayuu yiri Maxamed.
Xili ay isa sii tareyso baahida loo qabo internetka ayaa Muqdisho waxa ka hanaqaaday shirkado si gaar ah loo leeyahay oo bixiya adeegga internetka, waxana taasi ay meesha ka saartay goobihii Internet-ka laga karaysan jiray madaama ay fududaatay in goob walbaa laga helo .
Maxamed Jaamac Yuusuf, waa wiil dhalinyaro ah waxa uu leeyahay xarun internet café, waxa uu sharraxayaa sida ay u shaqeeyaan iyo caqabadaha ku horgudban.
“Shaqadu hadda way iska fiican tahay awal waxan dhib ku qabi jirnay qadka internetka oo xumaada laakiin hadda waxaa jira shirkado bixiya internet xawaaro fiican leh, suuqu hadda ma ahan sidii h**e Dad way inoo yimaaan laakiin ma badnadadku waxa ay u badan yihiin kuwo isticmaala internet ay iyagu leeyihiin” Ayuu yiri Yuusuf.
Waxaa jira tartran u dhaxeeya shirkadaha bixiya adeeyada internetka kaa oo ku aadan xagga suuqa iyaga oo ku kala duwan qiimagha soo iibsashada iyo kirada intaba.
Cabdi Fitax Cabdulahi Ibraahim, waa Maamulaha guud ee shirkada bixisa internetka ee Sahal Telecom, waxa uu goobjoog business u sheegay in qiimo jaban ay ku bixiyaan xirmooyinka kale duwan ee Internetka waxa uuna intaasi raaciyay in halka GB ay ku bixiyaan wax kayar Hal doolar.
Soomaaliya, waxaa ay dadku aad uga dhibanyihiin helitaanka internetka xawaare sare leh, iyadoo Soomaaliya ay ka mid Tahay dalalka ugu qiimaha sareeya sicirka internet-ka.
W/D: Abdinajib Dahir Elmi