01/11/2026
BAAQ SAXAAFADEED
Xubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo dalbanaya in la qabto doorashada Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.
Muqdisho – 1 Nofeembar 2026
Anigoo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, waxaan walaac ka muujinayaa dib-u-dhaca muddada dheer ku yimid doorashada guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada degmooyinka Gobolka Banaadir.
Golayaasha Deegaanka waxaa shacabka ku doorteen doorashadii dhacday 25-kii Diseembar 2025, waxaana xubnaha Golaha la dhaariyey 2-dii Abriil 2026.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa 13-kii Juun 2026 shaacisay in doorashada guddoonka Golayaasha Deegaanka la qabanayo 5-ta Luulyo 2026, hase yeeshee doorashadaasi ma qabsoomin.
Ilaa hadda, waxaan u baahanahay jawaab rasmi ah oo ku saabsan sababta dib-u-dhaca iyo waqtiga cusub ee doorashada.
Waxaan isweydiinaynaa: Maxaa hortaagan in xubnihii shacabka soo doorteen ay doortaan guddoomiyeyaashooda, isla markaana ay u bilaabaan gudashada waajibaadkii loo igmaday?
Waxaan si cad ugu baaqaynaa:
1. Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta inay si degdeg ah u caddeyso sababta dib-u-dhaca.
2. Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka inuu caddeeyo xaaladda habraaca iyo diyaar-garowga doorashada.
3. Villa Somalia, OPM Somalia iyo Maamulka Gobolka Benaadir inay muujiyaan wada-shaqayn lagu dhammaystirayo dhismaha hoggaanka degmooyinka.
4. In la shaaciyo taariikh cusub oo rasmi ah oo doorashada lagu qabanayo.
5. In la dhowro xuquuqda xubnaha Golaha Deegaanka iyo rabitaanka shacabka.
Waxaan caddeynayaa in baaqani uusan ahayn mid ka dhan ah cid gaar ah ama xisbi siyaasadeed, balse uu yahay dalab ku salaysan mas'uuliyadda xubnaha Golaha Deegaanka iyo xaqa shacabka ay u leeyihiin maamul shaqaynaya.
Codkii shacabka waa in loo beddelaa maamul shaqaynaya.
Doorasho, sharciyad, matalaad iyo isla-xisaabtan.
Waxaa baaqan soo saaray:
Ali Yusuf Abdullahi Ahmed
Xubin Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir