30/06/2022
Waa maxay luqaadka kombiyuutarka?
Luqaadka kombiyuutarku marka laga hadlaayo qofba si ayuu uga jawabaa.
Adiga oo maskaxadda ka saaraya kambiyuutar waxaad isweydisa su’aasha ah, waa maxay luqad?
Haddi ad la kulanto qof ku hadlaya Ingiris adna aad ku hadasho Somali side ayad ugu gudbin laheyd wax yaabaha aad rabto?
Way adagtahay waxad ku qasbatahiin labadina in ad hal luqad ugu yaran wataqaanan si aad isku fahantaan.
Sidaa si lamid ah kombiyuutar kuna waxa u fahmaa luqaad kuwaas o lo yaqaan luqaadka kombiyuutarka (programming languages).
Luqaadka kombiyuutarku waxaa loo kala qadaa labo qeybood
1. Luqaadka dabaqadda hoose
i. Machine language
i.i Assembly language
Faaidoyinka luqaad kan waxaa ka mid ah
1. Uma baahna maasaxa weyn (less memory).
2 . Uma baahna waqti badan si ay u shaqeyaan.
2. Luqaadka dabaqadda sare
i. Procedural language(C, FORTRAN BASIC).
ii. Object oriented programming language (C++, Java
Python).
iii. Natural language.
Faadioyinka luqaadkan waxaa ka mid ah
1. Way fududahay in aad qorto ama aqriso.
2. Way fududahay in aad cilad bixiso.