Baraka Academy for Development

Baraka Academy  for Development waxaad ka heli karta barahsda xirfadaha
qayb kamida sida: barashada tababaro la xiriira corantada, harqaanka iyo computer ka

🎓✨ Munaasabadda Qalinjabinta – Baraka Academy✨🎓Waxaa xarunta Baraka Academy lagu qabtay xaflad qalinjabineed oo qurux ba...
26/08/2025

🎓✨ Munaasabadda Qalinjabinta – Baraka Academy✨🎓

Waxaa xarunta Baraka Academy lagu qabtay xaflad qalinjabineed oo qurux badan, taas oo ay ka qeyb galeen waalidiin, macalimiin iyo marti sharaf kale.

Ardayda qalinjabisay waxay ka kala socdeen qeybaha:
✅ Qur’aan
💻 Computer
⚡ Koronto

Xafladda waxaa lagu muujiyey farxad, guul iyo dhiirrigelin, iyadoo ardaydu ay muujiyeen dadaal iyo hufnaan waxbarasho.

Hambalyo dhammaan ardayda guuleysatay! 🌟

Baraka Academy – Aqoon, Anshax iyo Mustaqbal.

Ma doonaysaa inaad noqoto xirfadle ku takhasusay korontada? Baraka Academy for Development waxay ku siinaysaa tababar dh...
03/08/2025

Ma doonaysaa inaad noqoto xirfadle ku takhasusay korontada? Baraka Academy for Development waxay ku siinaysaa tababar dhamaystiran oo ku saabsan aasaaska iyo farsamada korontada, si aad ugu diyaar garowdo mustaqbal shaqo oo ifaya!.

Waxyaabaha aad ka faa'iidi doonto:
🔌 Aasaaska Korantada
Fahamka danabka, iyo hababka korontada u shaqeyso.

🔧 Rakibaadda iyo Dayactirka Korontada
Baro sida loo rakibo nidaamyada korontada guryaha iyo shirkadaha iyo sidoo kale dayactirkooda.

⚡ Amniga Korontada
Hel aqoon ku saabsan sida loo shaqeeyo iyadoo la raacayo hababka badbaadada ee korontada.

Waxbarashada korantada ee Baraka Academy waa waddo sahlan oo aad ku gaarayso mustaqbal guul leh! Nala soo xiriir maanta si aad u bilaabato safarkaaga xirfadeed!




📢 OGAYSIIS: Barashada English-ka oo si rasmi ah uga socota Baraka Academy!Waxaa si rasmi ah uga socda Baraka Academy for...
21/07/2025

📢 OGAYSIIS: Barashada English-ka oo si rasmi ah uga socota Baraka Academy!

Waxaa si rasmi ah uga socda Baraka Academy for Development koorsooyin luuqadda English-ka ah oo ay dhigayaan macallimiin ajaanib ah oo khibrad sare leh.

Ardaydu waxay helayaan casharro si heer sare ah loo soo diyaariy, iyadoo lagu baranayo:
✅ Hadalka iyo fahamka (Speaking & Listening)
✅ Qorista iyo akhriska (Writing & Reading)
✅ Eray-bixin iyo su’aalo nolol maalmeedka la xiriira

🎯 Hadafkeennu waa in aan ardayda siino xirfad English ah oo ay kaga faa’iideystaan waxbarasho, shaqo, iyo nolosha caalamka.

📍Goobta: Baraka Academy – Xarunta Dhexe
🕗 Waqtiga: Maalmo walba laga bilaabo 8:30 pm
Duhur nimo .

05/06/2025

C I I D W A N A A G S A N

Bahda baraka Academy for development waxay ugu hambalyaynaysaa guud ahaan Ummadda Islaamka ah iyo Dadwaynaha Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxada.

Kusoo biir Baraka Academy for Development oo si fudud uga baro  aas-aasiga kumbuyuutarka! 💻📚.Waxaan bixinaa koorsooyin x...
17/05/2025

Kusoo biir Baraka Academy for Development oo si fudud uga baro aas-aasiga kumbuyuutarka! 💻📚.
Waxaan bixinaa koorsooyin xirfadeed oo aad ku baran karto:
⚡ Windows 11
⚡ Microsoft Office (Word, Excel, PowerPoint)
Barashada kumbuyuutarka waa xirfad muhiim ah oo qof walba u baahan yahay.
Waa albaabka fura mustaqbalka shaqo, ganacsi, iyo aqoon kororsi. Haddii aad rabto inaad la jaanqaaddo dunida iyo tiknoolajiyadda casriga ah. maanta bilaaw oo horumari xirfadahaga!

Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynaynaa billashada bisha barakeysan ee Ramadaan.Ramadaan mubaarak. Farxad, caafi...
28/02/2025

Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynaynaa billashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Ramadaan mubaarak. Farxad, caafimaad iyo cibaado ku sooma, Alle idankiis.
كل عام وانتم بخير.
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.
اللهم وفقنا لماتحبه وترضى
اللهم بلغنا ليلة القدر
اللهم تقبل صلاتنا وصيامنا وقيامنا وقراءتنا وركوعنا وسجودنا وسائر الأعمالنا يا رب العالمين

29/12/2024



Waxaan ku faraxsanahay inaan idinla wadaagno in Baraka Academy for Development ay bixiso tababaro casri ah oo ku saabsan qaybta Computer-ka, oo hadda lagu barto:

: Barashada sida loo isticmaalo nidaamka Windows iyo maareynta computer-ka.

: Barashada xirfadaha muhiimka ah sida Word, Excel, iyo PowerPoint oo loo isticmaalo shaqooyin badan.

Waxyaabo Cusub oo Dhawaan Bilaabanaya:
Waxaa sidoo kale lagu darayaa tababaro cusub oo xirfado muhiim ah sida:

: Naqshadeyn casri ah oo ku saabsan software-ka sida Photoshop iyo Illustrator.

: Barashada sida loo isticmaalo suuq-geynta online-ka si loo kobciyo ganacsiyada.

Ku soo biir Baraka Academy si aad u hesho xirfado kaa caawin doona mustaqbalkaaga!
Faahfaahin dheeraad ah kala xiriir xarunta ama naga soo wac 615444963.

  waa xarun waxbarasho oo casri ah oo bixisa tababaro xirfadeed oo heer sare ah, si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadah...
28/12/2024

waa xarun waxbarasho oo casri ah oo bixisa tababaro xirfadeed oo heer sare ah, si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada. Akadeemiyada waxay diiradda saartaa barnaamijyo muhiim ah sida:

1: Cilmi barashada -ka: Waxaa lagu bixiyaa koorsooyin ka caawiya ardayda inay bartaan software-ka, hardware-ka, iyo barnaamijyada IT-ga casriga ah.

2: (Electrical Engineering): Waxaa la barayaa farsamooyinka muhiimka ah ee dhismaha iyo dayactirka nidaamyada korontada, taas oo u diyaarinaysa ardayda inay ka shaqeeyaan shirkadaha korontada ama ay abuuraan ganacsiyo u gaar ah.

3: : Qaybtani waxaa si gaar ah loogu talagalay dumarka raba inay kobciyaan hal-abuurkooda, iyadoo xoogga la saarayo xirfadaha samaynta dharka iyo farsamooyinka kale ee farshaxanka. Tababaradani waxay gacan ka geystaan in dumarka ay abuuraan shaqooyin ay isagu filnaadaan oo hal-abuur leh.

Baraka Academy waxay u taagan tahay inay dhalinyarada ka caawiso inay dhistaan mustaqbal xooggan, iyagoo helaya xirfado ay isagu filnaadaan oo suuqyada shaqada kaga dhexmuuqdaan.....

07/11/2024

Kusoo biir Baraka Academy for Development oo si fudud uga baro xirfadaha aas-aasiga ah ee kumbuyuutarka! 💻📚.
Waxaan bixinaa koorsooyin xirfadeed oo aad ku baran karto:
⚡ Windows 10 & 11
⚡ Microsoft Office (Word, Excel, PowerPoint)
Barashada kumbuyuutarka waa xirfad muhiim ah oo qof walba u baahan yahay. Waa albaabka furan ee mustaqbalka shaqo, ganacsi, iyo aqoon kororsi. Haddii aad rabto inaad la jaanqaaddo dunida iyo tiknoolajiyadda casriga ah. maanta bilaaw oo horumari xirfadahaga!

✨🎓Hambalyo Qalinjabiyasha Baraka Academy for Development! ✨🎓30/10/2024waa maalin gaar ah oo aan ku xusnay guusha ardayde...
02/11/2024

✨🎓Hambalyo Qalinjabiyasha Baraka Academy for Development! ✨🎓
30/10/2024
waa maalin gaar ah oo aan ku xusnay guusha ardaydeena dhammeystay barashada korontada ee Baraka Academy for Development. Waxaan leenahay hambalyo guusha aad gaartayen. dadaalkiina, hal-adayga, iyo himiladiina aan caadiga ahayn ayaa keenay inaad maanta halkan joogtaan.

tani waa bilowga safar cusub oo aad kaga mid noqonaysaan xirfadlayaasha dhisaya mustaqbalka ifaya ee bulshadeena. Waxaan idin rajeyneynaa guul, horumar joogto ah, iyo inaad noqotaan kuwo saamayn weyn ku yeesha bulshada.

Baraka Academy for Development waxay ku faaneysaa ardaydeeda geesiyaasha ah! 🔌⚡


Address

26PM+W7
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 14:00 - 17:00
Tuesday 14:00 - 17:00
Wednesday 14:00 - 17:00
Saturday 14:00 - 17:00
Sunday 14:00 - 17:00

Telephone

+252616207351

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baraka Academy for Development posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share