31/07/2026
AKHISO: Nuxurka ka soo baxay Shirka Dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya;
▪︎Howgal-millateri oo keli ah ma keeni karo Nabad-waarta, waxa muhiima xasilooni-siyaasadeed & wada-hadal dhexmara DFS & DG.
▪︎Shirkan waxa isugu yimi Soomaaliya, Jabbuuti, Uganda, Burundi, Itoobiya, Masar, Kenya & wakiillo ka socda Midowga Afrika, IGAD & Qaramada Midoobey.
▪︎Dalalku waxay hoosta ka xarriiqeen in AS ay weli tahay khatar oo beegsanaysa hey'adaha amniga Soomaalida.
▪︎Dalalku waxay sheegeen in howlgal millateri oo keliya aanu keeni karin nabad-waarta, iyaga oo ku baaqay maamul-xoojin, dib-u-heshiisiin-siyaasadeed, horumarinta dhQaalaha & wax-ka-qabashada saboolnimada.
▪︎Shirku wuxuu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo kala-guur amni oo qorshaysan; maadaama meelaha ciidamada laga saaro ama laga wareejiyo ay keeni karaan firaaqo amni oo kooxaha hubeysan ka faa’iideysan karaan.
▪︎Waxaa la adkeeyay in mustaqbalka amniga Soomaaliya uu ku xidhan yahay dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh; kuwaas oo si buuxda ula wareegi kara mas’uuliyadda amniga dalka.
▪︎Xasillooni siyaasadeed ayaa lagu tilmaamay in ay tahay tiirka muhiimka ah ee nabadda Soomaalida; iyada oo loo baahan yahay wada-hadal joogto ah iyo iskaashi u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyad.
▪︎Maalgelinta howlgalka AUSSOM ayaa weli ah arrin muhiim ah; iyada oo dalalka ka qeyb galay shirka ay sheegeen in taageero dhaqaale oo joogto ah looga baahan yahay Beesha-caalamka, si loo ilaaliyo horumarka amni ee la gaaray loogana fogaado dib-u-dhac.