04/11/2025
WAR-SAXAAFADEED
Weerarka Sharci-darrada ah ee Lagu Qaaday Xarunta Isgaarsiinta ee Shirkadda Somali Optical Networks (SOON)
Muqdisho, November 4, 2025 - Shirkadda Somali Optical Networks (SOON) oo ah shirkad waddani ah oo bixisa addeegyada isgaarsiinta iyo internet-ka xawaaraha sare leh, ayaa si adag u cambaareyneysa weerar qorsheysan oo habeenimadii Isniinta lagu soo qaaday xarunteeda ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan, agagaarka Ex-Shabelle iyo Taallada Xaawo-Taako. Weerarkan ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada โVilla Somaliaโ oo uu horkacayo Taliyaha Guutada 77-aad ee Madaxtooyadda, G/le Dhexe Maslax Maxamuud Maxamed. Ciidamadan ayaa xoog ku galay xarunta, halkaas oo ay xireen ilaalladii shirkadda, burburiyeenna dhammaan kaamarooyinkii amniga si ay u qariyaan caddaymaha falka ay geysteen, iyagoo cabsi iyo handadaad u geystay shaqaalaha goobta joogay.
Subaxnimadii xigtay, isla ciidamadaas ayaa keenay ciidan dheeraad ah iyo cagafyo waaweyn (bulldozers) kuwaas oo abaarihii 10:00 kii subaxnimo bilaabay jabinta iyo burburinta dhismihii xarunta isgaarsiinta ee shirkadda. Tallaabadan lagu dumiyay xarunta iyo agabkii yaallay waxay keentay in shaqaalaha la kala eryo iyo in hawlihii shirkaddu istaagaan si ku-meelgaar ah, iyadoo sawirrada iyo caddaymaha dhacdadan ay si cad u muujinayaan burbur baaxad leh oo lala beegsaday hantida shirkadda.
Dhacdadan ayaa ka dambeysay kaddib markii Sabtidii, 2-da Noofambar 2025, ay xarunta yimaadeen saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayay Taliye-ku-xigeenka Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Liibaan Shidane, iyo Xildhibaanad Qaali Cali Shire oo sheeganaysay milkiyadda dhismaha xarunta. Iyagoo aan haysan ruqsad ayey weydiisateen shaqaalaha shirkadda in gudaha xarunta ay galaan, balse waxaa ka hor istaagay ilaaladii amniga ee Xarunta. Daqiiqado kadib, Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada, Maslax ayaa la soo xiriiray ilaaladii xarunta isagoo sheegay in โDhulkan dowladdu siisay Xildhibaanad Qaali Cali Shire,โ isla markaana amray shirkadda SOON in xarunta ay si degdeg ah u banneeyso, taas oo aheyd b**b iyo sharci-darro lagu lagu banneysanayo hanti gaar loo leeyahay.
Weerarkan ayaa sababay burbur xooggan oo gaaray qalabkii isgaarsiinta ee muhiimka ahaa, joojinta addeegyo muhiim ah oo shirkaddu siineysay hayโadaha dowladda qaarkood iyo bulshada, iyo cabsi-gelin nafsi ah oo soo gaartay shaqaalaha ku sugnaa xarunta Shirkadda. Sidoo kale, weerarkan lagula wareegay Xarunta shirkadda ayaa ah khatar amni oo saameyneysa isku-xirka iyo addeegyada isgaarsiinta qaranka, maadaama SOON bixiso addeeg halbowle u ah dhammaan hayโaddaha dowladda ee ka hawlgala caasimadda. Fal-dambiyeedkan lagu beegsaday xarunta SOON wuxuu muujinayaa isticmaal iyo kutagrifal awood dowladeed, isagoo si toos ah uga hor imaanaya qodobbada dastuurka kuwaas oo dammaanad qaaday ilaalinta hantida gaarka loo leeyahay.
Shirkadda SOON waxay si adag u cambaareyneysaa falalkan sharci-darrada ah ee lagu burburiyay xarunteeda, iyadoo codsaneysa in baaritaan madax-bannaan oo degdeg ah lagu sameeyo saraakiisha iyo dhammaan ciddii ka dambeysay weerarka. Sidoo kale, shirkaddu waxay ka dalbaneysaa dowladda federaalka in ay qaaddo tallaabo cad oo lagula xisaabtamo shaqsiyaadka ku lugta leh weerarkan, lana hubiyo ammaanka shaqaalaha iyo ilaalinta hantida shirkadda si looga hortago in dhacdo noocan oo kale ah ay soo noqoto.
SOON waa shirkad waddani ah oo in ka badan laba-iyo-toban sano bixineysa addeegyadda isgaarsiinta iyo internet-ka xawaaraha sare leh. Shirkaddu waxay gacanta ku haysaa xarkaha Fiber Optic-ka ee laf-dhabarka u ah isku-xirka hayโadaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Xarunta Shabelle ee la burburiyay waxay ahayd goob muhiim ah oo lagu yagleelay heshiis rasmi ah oo dhex maray Shirkadda SOON iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta sanadkii 2015, kaas oo lagu xaqiijinayay ilaalinta xarkaha isgaarsiinta dalka iyo hubinta in addeegyada muhiimka ah aysan kala goโin goor walba, iyo gaar ahaan xilliyadda burburka amni ay jiraan.
Shirkadda SOON waxay ku baaqeysaa in la dhowro xuquuqda ganacsatada iyo hantida gaarka loo leeyahay, isla markaana la joojiyo ku takrifalka awoodda dowladeed ee lagu dhibaateynayo ganacsatadda dalka. Shirkaddu waxay sii wadi doontaa bixinta addeegyada isgaarsiinta ee muhiimka ah, iyadoo u taagan ilaalinta danaha guud, sharciga, iyo ammaanadda ganacsiga Soomaaliyeed.
Dhamaad