20/06/2026
πβ½ TARTANKA QALIN-JABIYAASHA iyo MACALIMiINTA EE FECS CUP 2026 β½π
Kuliyadda FECS iyadoo kaashanaysa FECSA (Faculty of Engineering and Computer Science Students Association) waxay si rasmi ah u daah-furaysaa Tartanka Qalin-jabiyayaasha iyo Macalimiinta ee FECS CUP 2026, oo ah tartan gaar ah oo loogu talagalay qalin-jabiyayaasha Kuliyadda FECS.
Tartankan wuxuu ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka, isdhexgalka, iyo wadajirka ka dhexeeya qalin-jabiyayaasha kala duwan ee kuliyadda, iyadoo lagu kulmayo jawi ciyaareed ay ka muuqdaan tartan, saaxiibtinimo, iyo is-qaddarin.
π₯ Wareegga ugu horreeya ee tartanka wuxuu ku bilaabanayaa Knockout Stage, halkaas oo koox kasta ay u dagaallami doonto inay sii joogto tartanka, una soo dhowaato hanashada koobka.
π
Jadwalka kulamada wareeggan ayaa ku cad sawirka hoose.
π’ Bahda FECS, qalin-jabiyayaasha, ardayda, iyo dhammaan taageerayaasha kubbadda cagta waxaa lagu martiqaadayaa inay kasoo qeyb galaan kulamadan xiisaha badan.
π Yaa noqon doona Horyaalka Tartanka Qalin-jabiyayaasha FECS CUP 2026?
β½π₯ Tartan, Xamaasad, iyo Sharaf ayaa na sugaya! π₯β½
πβ½π₯