Dahab Cyber Space

Dahab Cyber Space Dahab Cyber Space is the leading Cyber-Security Organisation in Somalia.

Windows Directories 💻💻💻💻💻💻
09/11/2024

Windows Directories 💻💻💻💻💻💻

Ciladii dhacayday shalay fahamkeeda*********************************Crowdstrike waa shirkad cybersecurity oo magac leh.W...
20/07/2024

Ciladii dhacayday shalay fahamkeeda
*********************************
Crowdstrike waa shirkad cybersecurity oo magac leh.

Waxay shirkadaha waawayn ka caawisa arimaha cyberka waxaana ay leeyihin Antivirus lagu magacaabo crowdstrike.

Sida caadi ah antiviruska waxuu release gareyaa updates si looga hortago khataraha dhinaca cyberka.

*******July 19, 2024**********
Waxaa shirkaddaas release gareysay antivirus update (bug) leh waxaana update kaas oo cillad ku reebay (windows OS) waxaana soo kici wayay dhamaan computerda uu ku shubnaa antiviruskaas ahaana Windows system.

Waxa dhacay ma ahayn Microsoft issue balse waxay aheyd antivirus issue kaas oo qaribay normal OS operation.

Xalka la helay waa in computerka lagu damiyo by force kadibna safemode lagu soo kiciyo kadibna laga tiro file ka cilladda keenay.

Challenge ga jira waa tirada systemyada down ka oo aad u badan xal ah in computerkasta la dultago laga riixo shutdown button waqti badan ayay u baahantahay.

Hadaba adigu maku saameysay ciladii maanlintii jimcaha dhacday? Sidee ayey kuu saameysay

Cillad iyo khal khal dhinaca IT-ga ah ayaa soo food saartay waddamo badan oo Caalamka ku yaalla taas oo saamaysay dhamma...
19/07/2024

Cillad iyo khal khal dhinaca IT-ga ah ayaa soo food saartay waddamo badan oo Caalamka ku yaalla taas oo saamaysay dhammaanba shaqooyinkii lagu qaban jirey dhanka Technology-da ee shirkadda Microsoft.

Dhibaatada ugu xooggan ayaa ka taagan dhanka Barmaamijka Windows ee ay Cumputers ku shaqeeyaan waxaana gebi ahaanba joojiyey shaqadii Garoomadii diyaaradaha, Bangiyadii, Hoteladii, TV yadii iyo weliba suuqyadii Sarrifka.

Maraykanka oo keliya waxa cilladan wajahay 911 adeeg kuwaasi oo hawada ka maqan.

Cilladan dhanka IT ga ee dunida ka dhacday ayaa saamaysay dalal ku yaalla Yurub, Ameerika iyo weliba Aasiya.

1. Xukuummadda Australia oo kulan degdeg ah iclaamisay
2. Shirkadaha Delta & American Airlines ee USA oo duulimaadyadii istaageen
3. Turkish Airlines oo gebi ahaan tikidyadii iibin kari weyday
4. Bangiyo badan oo dunida ah oo lacag lagala bixi karin
5. Kanaalo badan oo UK ah sida Sky News oo saaka wararkii baahin kari waayay
6. Taleefanka wicitaanka degdeg ah 911 ee USA oo gobolo badan shaqayn waayay
7. Dukaamo caalami ah oo online-ka wax lagaga gadan jiray oo gebi ahaanba istaagay
8. Shirkadda duulimaad oo Hindiya ka shaqaysa oo bilawday in boarding passes-kii gacanta ku qoran LOL.

Kadib markii kumanaan kumbuyuutaro ku shaqeeyo nidaamka Windows-ka ay shaashadaan buluugga ah soo saareen iyadoo usababtahay update dhammaan servers-kii offline ka dhigay uu ku yimid CrowdStrike oo ah shirkad bixisa adeeg ilaalinta ammaanka Internetka shirkadaha saamaynta ku timid ay macmiil u ahaayeen.

Haddii xaaladdaan sanado sii jirto maxaad samayn lahayd.

03/11/2023

Dhamaan bahda Dahab Cyber Space Jimco wanagsan.

Hacker damiin ah ma jiraa? 😆 🤣
12/01/2023

Hacker damiin ah ma jiraa? 😆 🤣

RoadMap Cyber-Security Dahab Cyber Space
11/01/2023

RoadMap Cyber-Security

Dahab Cyber Space

Hadii ad rabto inaa barato Defensive Securitya ama Blue Team (Qeybta Difaaca ah) ama Security Operation Center(SOC) waxa...
11/01/2023

Hadii ad rabto inaa barato Defensive Securitya ama Blue Team (Qeybta Difaaca ah) ama Security Operation Center(SOC) waxan kuu haaya website ad ka heli karto macluumad badan kaana caawin doono in ad si Practical ah ad casharada ku qaadatid waana Free wax lacag lagam rabo.

Link-ga hoose raac kadib iska diwaan geli casharada waxey ku bixi doonan qaab Qoraal ah (Text).

https://app.letsdefend.io/training

Dahab Cyber Space

Register to soc analyst/incident response training platform

Hadad internet ka ad macluumad ugu baahato sidee ku ogaaneysa in website kaan u yahay mid sugan (Secure) iyo mid aan sug...
03/01/2023

Hadad internet ka ad macluumad ugu baahato sidee ku ogaaneysa in website kaan u yahay mid sugan (Secure) iyo mid aan sugneen (Unsecure).
************************************************************************
Waxaa jira billions website oo laga dalaacdo macluumadyo kala duwan ama wax laga iibsado , waxey na iskugu jiraan kuwa secure ah oo qof anan wax yeelo u geysan Computer kiisa ama mobile kiisa iyo kuwa qof wax yeelo u geysto Computer kiisa ama mobile kiisa taa oo ka soo racayan viruses, phishing IWM

Hadaba maxaad ku kala garaneysaa website yadaas.

Website kii ey hortiisa ku taaalo waxa u yahay mid sugan oo lisku haleyn karo.

Halka midka ey ka hortiisa ku taalo u yahay mid an sugneen oo wax yeelo kuu geysan kara.

HTTPS = HyperText Transfer Protocol Secure
HTTP = HyperText Transfer Protocol.

Sido kale hadad wax ka iibsaneyso online ka isla markaana ad isticmaaleyso HTTP websites xogtaada dhan waxey noqoneysaa mid la aqrin karo (Plain Text) sida card ka bankiga IWM ah

Markasta isticmaaal HTTPS

22/12/2022

Maxaad ka taqaana applicationka ugu caansan ee dowladahu ku basaasan muwaadiniintoodu?



Pegasus waxaa sameyay shirkad yahuud ah oo lagu magacaabo , dowladaha waaweyn ayaa iibsada si ey ugu basaaasan dad ka ey rabaan iney ka ogaadan macluumad.

Pegasus waa application lagu jabsan karo mobile walba oo dunida yaalo (Android $ IOS) kaas o laga dalacan karo xoogtada sida qofka waceysid, halka ad joogto iyo dhaman macluumadka kugu jiro mobile kada.

MEEQA AYA LA IIIBIYAA.

Dowladii rabto in laga iibiyo waxey iska bixineysaa $650,000 hadii loo rakibaana waxey bixineysaa $500,000 iyo lacago kale oo an xisaaabneyn

SIDEE AYEY KUGU SOO GALAYAN

Markii h**e waxaa ey sameyn jireen in what's up kaada laga soo galo iyadoo wicitaan lagugu sameynayo ama fariin qoraaled lagugu doo dirayo kadib waxaa ogaaday Shirkada what's up waxey na xirtay dulduleelihii laga soo gali jiray

Dhawanahan waxa ey bilaaben in links ey soo diran waxaa qeyb ka ah faafintiisa dadka ey soo gaarto links yadaas.

SIDEE AYUU CAAN KU NOQDAY

Wax yaabo waxa jira in application kan uu noqdo mid ey dowladuhu waaweyn raadiyan Software walbo soo baxo waxa uu leyahy meelo uu ka jilicsan yahay melahas qof kii u sheego ayey lacag siiyaan shirkada iska leh application ka.

SIDEEN ISKAGA ILAALIYAA

Majirto qaab gooniya oo liskaga ilaaliyo applicationkaas lkn waxaa jiro talooyin la xirira amniga internet oo ah inaadan furin links ayada adan aqoon iyo xayeysiimaha kaga imanaya software da ad mobile kaada ku isticmaaaleyso.

Dahab Cyber Space

Qofkii u baahan courses  free ah oo Networking iyo Security ayaad ka heleysaa linkgaan ama website kaan.
01/11/2022

Qofkii u baahan courses free ah oo Networking iyo Security ayaad ka heleysaa linkgaan ama website kaan.

Davidbombal - Provides a variety of training materials CCNA exam preparation, Network Automation, Python, Linux, SDN, GNS3, Packet Tracer and much more...

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252613936393

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dahab Cyber Space posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dahab Cyber Space:

Share