24/07/2026
π Alxamdulillaah! Maanta (24/7/2026)waxaan si rasmi ah u soo gabagabeeyay Bachelor Degree-gayga ee Computer Science (Department of Information Technology).
Marka ugu horreysa, waxaan u mahadcelinayaa Allah (SWT) oo ii sahley inaan gaaro guushan qiimaha badan. Waxaan sidoo kale si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa waalidkayga, qoyskayga, macallimiintayda, saaxiibbaday, iyo dhammaan intii igu garab istaagtay ducadooda, dhiirrigelintooda, iyo taageeradooda intii aan safarkan ku jiray.
Maanta waa dhammaadka hal safar, balse waa bilowga fursado cusub iyo himilooyin waaweyn. Waxaan rajeynayaa in aqoonta aan ka bartay Computer Science ay ii noqoto mid aan bulshada iyo dalkayga ugu adeego si hufan, hal-abuur leh, iyo daacadnimo.
Guushan ma ahan mid aniga oo keliya ii gaar ah, waa guushii qof kasta oo i taageeray. Mahadsanidiin dhammaantiin. β€οΈ
π Alxamdulillaah! Bachelor of Computer Science (Department of Information Technology) β Completed. π