Yalaxow Media Pro

Yalaxow Media Pro We are Digital Media

12/05/2026
12/05/2026

Aqalka madaxtooyadda Ruushka ee Kremlin-ka ayaa baahiyay muuqaalka madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin oo xalay booqasho ugu tagay macallimaddiisii h**e ee luqadda Jarmalka, halkaa oo ugu horreyn la arkayay Putin oo ubax guddoonsiinaya, ka dibna gaari uu isaga gacantiisa ku waday ku geynaya Aqalka Kremlin-ka oo casho uu ugu sameeyay.

Fiiro gaarka ah;

Luuqadda Jarmalka , waxay Putin u fududeysay howlihiisa basaasnimo intii uu ku sugnaa Jarmalka , isagoo ka tirsan hayโ€™addii sirdoonka Suufiyeedka ee KGB.

Laakiin imasa naga mid ah ayaa xasuusta oo xusa macallimiintii soo baray Qur'aanka Kariimka ah oo ah sahayda ugu sarreysa ee fahankiisa iyo ku dhaqankiisa badbaadada noqda marka rabbi la hortaggo

Mahad Osman Abdulle
Yalaxow Media Pro

05/05/2026

Mahad Osman Abdulle
Yalaxow Media Pro

Ka warran haddii darawalkii gaariga idiin waday uu si kedis ah u geeriyoodo, adinkoo ku jira safar dheer oo meel cidlo a...
05/05/2026

Ka warran haddii darawalkii gaariga idiin waday uu si kedis ah u geeriyoodo, adinkoo ku jira safar dheer oo meel cidlo ah..

Dhacdo aad u naadir ah ayaa dhacday, taas oo si weyn u gilgishay dad badan. Alle ha u naxariistee, waxaa geeriyooday Marxuum Naasir Cali, oo ahaa darawalka gaari bus ah xilli uu ku jiray safar u dhexeeyay Nairobi iyo Kampala.

Marxuumka ayaa waday rakaab u socday Kampala, balse intii safarka lagu jiray ayuu si lama filaan ah u dareemay xanuun daran. Waxaa la sheegay inuu markiiba joojiyay gaariga, ka dibna uu ku dul dhacay isteerinka.

Rakaabkii iyo dadkii la socday ayaa isku dayay inay badbaadiyaan, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyay inuu halkaas ku geeriyooday.

Geeridiisa ayaa si weyn uga naxday rakaabkii iyo guud ahaan bulshada.

Allaha u naxariisto Marxuum Naasir Cali, samir iyo iimaan haka siiyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa. ๐Ÿคฒ

Mahad Osman Abdulle
Yalaxow Media Pro

Dalka Soomaaliya ayaa noqday waddanka kaalinta lixaad kaga jira dalalka haysta dhul beereedka ugu badan qaaraddaa Afrika...
02/05/2026

Dalka Soomaaliya ayaa noqday waddanka kaalinta lixaad kaga jira dalalka haysta dhul beereedka ugu badan qaaraddaa Afrika.

Waddanka Koonfur Sudan ayaa isagu kaalinta koowaad ka galay dalalka leh dhul beereedka ugu balaadhan Afrika.

Waxa xusid mudan in Koonfur Sudan tahay dal safka h**e kaga jira waddamada ugu saboolsan Adduunka, halka Soomaaliya waxa looga soo dhoofiyo Masar oo ah dal aan ka mid ahayn 10 ka dal ee ugu dhul beereedka weyn Afrika.

Xogtan waxa daabacday warbaahinta TRT.

Mahad Osman Abdulle
Yalaxow Media Pro

Dowladda Burkina Faso ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo mamnuucay soo dejinta bariiska, tallaabo uu hormuud ka yahay...
01/05/2026

Dowladda Burkina Faso ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo mamnuucay soo dejinta bariiska, tallaabo uu hormuud ka yahay madaxweynaha dalka Ibrahim Traorรฉ, taas oo qayb ka ah qorshe lagu xoojinayo wax-soo-saarka gudaha iyo gaarista isku filnaanshaha cuntada.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen wasaaradaha ganacsiga, beeraha iyo maaliyadda ayaa lagu sheegay in goโ€™aankan lagu taageerayo suuq-geynta bariiska gudaha. Ganacsatada weli haysta bariis dibadda laga keenay ka hor mamnuucidda ayaa loo qabtay muddo laba bilood ah si ay uga takhalusaan kaydkooda.

Dowladdu waxay ugu baaqday ganacsatada iyo hayโ€™adaha kala duwan ee dalka inay muujiyaan wadaniyad dhaqaale iyo masuuliyad, isla markaana si buuxda uga qeyb qaataan hirgelinta goโ€™aankan. Waxaa sidoo kale la adkeeyay in tallaabooyin adag laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarkan, iyadoo shacabka lagu dhiirrigeliyay inay soo sheegaan cid kasta oo lagu arko iibinta bariis dibadda laga keenay.

Dowladda Somalia maxay ka baran kartaa?

Mahad Osman Abdulle
Yalaxow Media Pro

๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐จ. ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐€๐›๐ซ๐ข๐ข๐ฅ ๐Ÿ๐Ÿ—, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Benaadir  ahna Duqa Magaalada Muqd...
29/04/2026

๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐จ.

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐€๐›๐ซ๐ข๐ข๐ฅ ๐Ÿ๐Ÿ—, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Abdirahman Moalim Hussein u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Dayniile ee G/Banaadir, waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Dayniile laga qaaday Mudane Omar Mohamud Mahadale.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dayniile Mudane Abdirahman Moalim Hussein, in uu mudnaan siiyo harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.

โ€”๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒโ€”

Mahad Osman Abdulle
Yalaxow Media Pro

Address

Mogadishu

Telephone

+252770491652

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yalaxow Media Pro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Yalaxow Media Pro:

Shortcuts

Share