06/07/2026
Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay *Shirka Hal- Dijitaalka ah ee Soomaaliyeed iyo Dhaqaalaha Dijitaalka (SOCCDEC)**, oo ah madal ay isugu yimaadeen hal-abuurayaal, ganacsato, khubaro, iyo daneeyayaal ka shaqeeya warbaahinta dijitaalka ah, hal-abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha casriga ah.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray doorka sii kordhaya ee hal-abuurayaasha nuxurka dijitaalka ah ay ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta ganacsiga Soomaaliyeed. Intii uu socday shirka, ka qeybgalayaashu waxay si qoto dheer uga doodeen caqabadaha horyaalla dhalinyarada ka shaqeysa warbaahinta iyo nuxurka dijitaalka ah, sida helitaanka maalgelinta, xirfadaha casriga ah, sharciyada la xiriira xuquuqda hal-abuurka, iyo sidii loo abuuri lahaa jawi u sahlaya inay gaaraan suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, hay'adaha taageera hal-abuurka, iyo bulshada hal-abuurayaasha si loo xoojiyo dhaqaalaha dijitaalka ah ee Soomaaliya. Ka qeybgalayaashu waxay isku raaceen in horumarinta xirfadaha dijitaalka ah iyo maalgelinta hal-abuurka ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu kobcin karo dhaqaalaha dalka.
Taageerayaasha shirka waxaa ka mid ahaa **Maamulka Guud ee ONE GROUP**, oo uu hoggaaminayo **Eng. Ahmed Abdalla**. Taageerada ONE GROUP ayaa muujineysa sida ay shirkaddu uga go'an tahay dhiirrigelinta hal-abuurka dhalinyarada, kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ah, iyo taageeridda barnaamijyada gacan ka geysta horumarka ganacsiga iyo tiknoolajiyada ee Soomaaliya.
Intii uu socday Shirka Hal-abuurayaasha Nuxurka Dijitaalka ah ee Soomaaliyeed iyo Dhaqaalaha Dijitaalka (SOCCDEC), **Maamulka Guud ee Shirkadaha ONE GROUP, Eng. Ahmed Abdalla**, ayaa dardaaran iyo dhiirrigelin u jeediyay dhalinyarada Soomaaliyeed.
*Eng. Ahmed Abdalla* ayaa ku boorriyay dhalinyarada inay ka faa'iideystaan fursadaha ay bixiso tiknoolajiyada casriga ah, isla markaana ay xoogga saaraan hal-abuurka, horumarinta xirfadahooda, iyo abuurista ganacsiyo cusub oo wax ku soo kordhiya dhaqaalaha dalka.
Waxa uu xusay in dhalinyaradu ay yihiin laf-dhabarta horumarka Soomaaliya, isagoo ku dhiirrigeliyay inay ka shaqeeyaan soo saarista nuxur tayo leh, kobcinta aqoontooda, iyo ka qeyb qaadashada dhismaha dhaqaale dijitaal ah oo tartan kula geli kara heer gobol iyo heer caalami.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay door muhiim ah ka qaadan karaan taageeridda hal-abuurka iyo horumarinta jiilka cusub ee Soomaaliyeed, isagoo muujiyay sida ay *ONE GROUP* uga go'an tahay dhiirrigelinta hal-abuurka, tiknoolajiyada, iyo kobcinta fursadaha dhalinyarada.