12/05/2026
Kulankii Howlwadeenada Tabaarak ICT wuxuu ahaa kulan muujinayey wadashaqeynta, wadajirka, dadaalka, iyo himilada ay wadaagaan dhammaan shaqaalaha shirkaddu. Waxaa halkaas ka muuqatay karti, iskaashi, iyo aragti mideysan oo muujinaysa halka ay Tabaarak ICT u socoto.
Kulankan oo ahaa mid sanadle ah ayaa noqday fursad uu maamulku ku dhiirrigeliyey shaqaalaha, lagu abaalmariyey dadaalka, kartida iyo ka goโnaashaha ay muujiyeen, iyadoo lagu xoojiyey xiriirka ka dhexeeya maamulka iyo howlwadeenada.
Waxaan uga mahadcelineynaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay diyaarinta iyo hirgelinta kulankan quruxda badan. Guusha Tabaarak ICT waxay ku dhisan tahay Howlwadeeno leh hufnaan, hal-abuur, iyo ka goโnaansho.
Ugu dambeyn, waxaan rajeyneynaa in kulankan uu noqdo mid sii xoojiya wada shaqeynta, horumarka, iyo safarkeena.
#2026